Wednesday, March 5, 2025
HomeUncategorizedHowlgallo Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Gedo, Baay iyo Mandheera ee Dhulka...

Howlgallo Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Gedo, Baay iyo Mandheera ee Dhulka NFD.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Gedo iyo Baay ee Koonfurta Soomaaliya, halka gobalka Mandheerana lagu beegsaday ciidanka Kenya.

Haddaan ku horreyno gobalka Gedo, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab habeenkii xalay weeraro qaraxyo ah la beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa askartaan lagula beegsaday koontaroolka degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo, waxaana ku dhaawacmay 2 askari.

Sidoo kale xalay waxaa la weeraray, xerada ay askarta Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin magaalada Buulomareer ee gobalka Sh-hoose.

Geesta kale tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ciidamo katirsan Kenya lagula beegsaday, qeybo kamid ah gobalka Mandheera ee dhulka NFD oo ay gumeysato Kenya.

Qaraxa ayaa waxa uu haleelay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen askarta katirsan Kenya, kaas oo kasoo baxay magaalada Mandheera kuna kusii jeeday degmada Raamo.

Qaraxa ayaa gabi ahaanba basbeeliyay gaariga Kooyalka ah, waxaana halkaasi ku dhintay dhammaan askartii saarneed gaarigaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.