Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsIiraan oo Diiday Wadahadal ay La Gasho Dowladda Maraykanka.

Iiraan oo Diiday Wadahadal ay La Gasho Dowladda Maraykanka.

Hogaamiyaha ugu sarreeya wadanka Iiraan ayaa maalintii shalay oo Arbaco ahayd ka hadlay farriin uu soo diray Trump oo ku addan wadahal la xiriira hubka waxa gumaada oo dhexmara iyaga iyo xukuumadda Washington.

Wuxuu seheegay Khumeyni, in hadalka Trump uu yahay dhagar iyo Marin Habaabinta ra’yul-caamka.

Waxaa hadallada kamid ah inuu yiri:’’ haddiiba aan ognahay in aysan laasimeyn[ oo uu ula jeedo dabcan heshiiska ay la gaarayaan Mareykanka] maxaa faa’iido ah oo ku jira wadahadal’’.

Wuxuu aamisan yahay Khumeyni islamarkaana uu sheegay in wadahadal ay la galaan Mareykanka ay ku kordhineyso go;doonada uu saaray Mareykanka dalka Iiraan iyo culeysyada haysta.

Donlad Trump ayaan markii uu farrintan usoo diray hoomiyaha ugu sarreeya Iiraan cabsiyda uu qabay waxay ahayd iney baaqiisa aqbali waayo, wuxuu xilligaasi sheegay iney labo waddo mid uu kula tacaamuli doonaan Iiraan, mid Millateri iyo midda kale oo ah iney la gaaraan heshiis Iiraan ka mamnuucaya iney haysato hubka wax gumaada ee loo yaqaan Nucklearka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.