Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsIlyaas Gaboose oo Ka Horyimid Dib Isu Doorashadii Axmed Madoobe. .

Ilyaas Gaboose oo Ka Horyimid Dib Isu Doorashadii Axmed Madoobe. [Dhagayso].

Mid kamid ah musharixiintii utartameysay xilka madaxtinimada ee maamulka la baxay Jubbaland ayaa kasoo horjeestay, doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Ilyaas Badal Gaboose oo kamid ahaa musharrixiintii la tartameysay Axmed Madoobe, ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose waxa uu ku sheegay, in waxba kama jiraan ay tahay doorashadii ka dhacday magaaladaas.

Ilyaas ayaa tilmaamay in Axmed Madoobe uu muddo 13 sano ah uu cabsi galin iyo caga jugleyn ka wado magaalada Kismaayo, doorashadana ay tahay tii ay iyagu qabteen ee uu isagu isku caleema saaray, balse aysan aheyn tan uu Axmed kusoo baxay.

Maamul cusub ayuu tilmaamay iney soo dhisi doonaan, marnaba aan la aqbali doonin cabsi galinta ka socota Kismaayo.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.