Taliska Millatariga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhaw warsaxaafadeed kasoo saaray, weerarkii cagmarinta ahaa ee maanta ka dhacay duleedka deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in weerar cagmarin ah ay saakay aroortii hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku lahaayeen duleedka deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe.
Waxaa sidoo kale bayaanka lagu xusay, in weerarka kadib kamiin lala beegsaday askar gurmad ahaa, kaas oo ka dhacay isla duleedka deegaanka Xawaadley ee Sh-dhexe.
Weerarka tooska ah iyo kamiinkaba waxaa lagu dilay 21 iskugu jirta saraakiil iyo ciidamo, waxaana intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gacanta ku dhigeen tiro askar ah, sida lagu xusay warxasaafadeedka.
Halkaan ka Degso Warsaxaafadeedka oo PDF ah