Wararka ka imaanaya xuduudda u dhexeysa Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa ku waramaya, in dagaallo culus oo u dhexeeyay kalluumeysato kasoo kala jeeda labadaasi dal uu ka dhacay xuduudda.
Ugu yaraan 22 ruux ayaa la xaqiijiyay in nolol iyo geeri toona lagu la’yahay, kadib dagaallo culus oo dhexmaray kalluumeysato kasoo kala jeeda Itoobiya iyo Kenya, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan xukuumadda Nairobi.
Gudoomiyaha gobalka Turkana ugu magacaaban Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday, in dagaallada ay si gaar ah uga dhaceen deegaanada kala ah Lopeimukat iyo Natira oo ku teedsan webiga Omo ee xadka u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya.
“Illaa iyo hadda waxaa la la’yahay 22 kalluumeysato Kenyan ah, halka la xaday 15 doon” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska Boliska gobalka Turkana ee Dowladda Kenya.
Waxa ay intaasi ku dareen in lasoo badbaadiyay 6 kalluumaysato ah oo ka tirsan qowmiyadda Dasenech ee Itoobiya, kuwaas oo iyagoo badqaba dib loogu celiyay dalkooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamo dheeraad ah la geeyay xuduudda ay la wadaagaan Itoobiya, uuna xukuumadda Adis Ababa la yeeshay wadahadallo nabad loogu soo dabalaayo bulshooyinka ay dirirtu dhex martay.
Illaa iyo hadda lama oga halka jaan iyo cirib lala aaday 22 kalluumeysatada Kenyanka ah ee lagu afduubtay dagaallada ka dhacay xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Kenya, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo ay markale dib uga soo cusboonaadaan halkaas.
Halkaan ka Degso Warka Dagaallada