Dagaallo culus ayaa maanta ka dhacay degaanka Boos Hareeri ee hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.
Iska hor imaadkaasi waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka Dowladda Fedaraalka, halka maxaabiis dagaal gacanta lagu dhigay, gaadiidna laga furtay.
Saraakiil sar sare oo ku goobta dagaalka ku sugnaa ayaa la dilay, halka kuwo kalena ay ku badbaadeen si dirqi ah.
Ugu yaraan 24 askari oo ay 2 sarkaal ku jiraan ayaa lagu dilay waxaana saraakiisha dhintay magacyadooda lagu sheegay Garmaqaate iyo Adeerow.
Sido kale 8 askari ayaa lagu dhaawacay dagaalka ka dhacay Boos-Hareeri, halka askarta inteedii kalena ay isaga carareen fagaaraha dagaalka.