Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu Xasan Sheekh Maxamuud si diirran ugu soo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, laguna wado in la dardar geliyo sidii Itoobiya loo siin lahaa badda Soomaaliya, ayaa dowladda Itoobiya waxay markale ku celisay inaaney marnaba ka tanaazuli doonin damaceeda la xiriira qabsashada badda Soomaaliya.
Berhanu Julla oo ah taliyaha ciidamada milliteriga dalka Itoobiya, ayaa isagoo ka hor hadlayay boqollaal ruux oo Itoobiyaan ah wuxuu markale sheegay, in dowladda Itoobiya aaney gorgortan ka geli doonin sidii ay u heli lahayd badda Soomaaliya, isagoo weliba xusay badda Cas ee marta qeybo kamid ah gobollada wuqooyi ee Soomaaliya.
Isagoo aad u xamaasadeysan, sacabka iyo mashxaradda dadka Itoobiyaanka ee ku sugnaa goobta uu kalimadda ka jeedinayayna ay cirka isku shareereysay, ayuu taliyaha ciidamada Itoobiya Berhanu Julla sheegay, in waqti un ku xirantahay in Itoobiya hesho badda Cas, taasina aaney wax shakki ah kaga jirin.
” Waqti unbaa naga xiga inaan ku biirno bulshada Badda Cas, waxaana rajeyneynaa in taasi aan ku gaarno qaab nabadeed” ayuu yiri Berhanu Julla taliyaha ciidamada Itoobiya, isagoo muujiyay in xitaa haddii ay wahadallo ku heli waayaan uu khiyaarku milliteriga yahay mid furan.
Hadalka kasoo yeeray jeneraalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee la xiriria damacooda qabashada badda Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan wasiiru dowlaha arimaha dibadda Dowladda Federaalka Cali Balcad, uu sheegay in badda ay Itoobiya siin doonaan ay tahay badweynta Hindiya, balse aanay ahayn badda Cas, laakiin taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in badda ay doonayaan ay tahay Badda Cas, oo deegaan ahaan u dhow dhulka ay Itoobiya gumeysato ee Soomaaligalbeed.
Berhanu Julla ayaa intii ay taagneyd xasradda boor isku qariska ahayd ee u dhexeysay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, wuxuu marar badan fagaarayaasha ka jeediyay hadallo gef ku ah shacabka Soomaaliyeed, isagooo sidoo kale weeraray Dowladda Federaalka, waxaana uu sheegay inaysan gorgortan ka geli doonin sidii ay u heli lahaayeen bad ay Itoobiya yeelato.
Inkastoo Dowladda Federaalka ay ku marin habaabiso bulshada Soomaaliyeed in badda Itoobiya la siinayo ay tahay mid kiro ah, islamarkaana ganacsi ahaan u adeeganayaan, ayaa hadana madaxda Itoobiyaanka mar weliba oo ay hadlaan waxay soo bandhigaan dood cadeyneysa in waxa ay doonayaan tahay bad ay Itoobiya yeelato.