Markii ugu horreysay xukuumadda Adis Ababa ayaa waxa ay eedeyn culus ujeedisay, mid kamid ah garabyada maleeshiyaada TPLF ee ka arrimiya gobalka Tigree ee dalka Itoobiya.
Xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa maleeshiyaadkaan ku eedeysay iney ku tiirsan yihiin quwado Shisheeye.
Isagoo ku sugan Adis Ababa islamarkaana diblimaasiyiin uga waramayay xaaladda gobalka, ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya jeediyay eedeyntaan, isagoo aan caddeyn cidda ay kooxdu ku tiirsan tahay.