Jariidada Wall Street Journal ee kasoo baxda Mareykanka ayaa sheegtay, in isfahamka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Ruushka uu ku riixayo reer Yurub inay dib u eegaan ammaankooda, isla markaana uu Jarmalku ku fikiro sidii u yeelan lahaa hubka Nukliyeerka, kaas oo Maraykanku uu isku dayayey in uu ka fogeeyo muddo dheer.
Wargeyskan Ameerikaanka ah ayaa warbixintiisa ku saleeyay hadal uu jeediyay Friedrich Merz, oo isku diyaarinaya inuu qabto jagada Ra’iisul wasaaraha Jarmalka kadib guushii ay doorashooyinka dalkaas ka gaareen isbaheysiga Dimuqraadiga ah ee Christian, hadalkaas oo ahaa, suurtagalnimada in dalkiisa uu yeesho hubka sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka.
Wareysi uu siiyay wargeys Todobaadle ah oo lagu magacaabo Frankfurter Allgemeine Zeitung ayuu Merz ku sheegay, in Jarmalka uu laasim ku yahay inuu bilaabo wadahadallo ku saabsan sidii loo waasicin lahaa Nukliyeerka Faransiiska iyo Ingiriiska si uu u wada gaaro Yurub oo dhan.
Wargayska Wall Street Journal waxa uu tixgaliyay, in hadaladani ay jabiyeen mamnuuciddii mudada dheer soo jirtay, waxana ay daaha ka qaadeen in tiirarka amaanka ee Jarmalka iyo Yurub ay si ba’an u ruxmayaan, xilli uu Merz wali gorgortan ka galayo sidii uu dawlad u soo dhisi lahaa. Arinta ugu yaabka badan ayaa ah inuusan jirin hoggaamiye Jarmal ah oo ku baaqay, samaynta beddelka Nukliyeerka Mareykanka ee Yurub tan iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.
Wargeyska ayaa tilmaamay, in Ciidamada Cirka ee Jarmalku ay diyaar u yihiin in Galbeedka dalkaas la geeyo Hubka Nukliyeerka ah ee Mareykanka ee hadda lagu keydiyo Saldhigga Ciidamada Cirka ee Buchel, waa haddii Madaxweyne Trump uu soo saaro amar ku aadan arinkaas.