Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsKenya oo Dhaqaale Badan ku Waysay Sameynta Caleenta Shaaha.

Kenya oo Dhaqaale Badan ku Waysay Sameynta Caleenta Shaaha.[WARBIXIN]

Warshadaha Caleenta shaaha ee dalka Kenya ayaa wajahaya dhibaato aan horay loo arag, kadib markii ay dowladda Suudaan si lama filaan ah u mamnuucday in dalkeeda loo soo dhoofiya Caleenta shaaha ee laga keeno Kenya, taasoo keentay Khasaare maaliyadeed oo aad u badan, waxaana sare u sii kacaya walaaca laga qabo dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Go’aankan ayaa sababay, in shixnado lagu qiimeeyay ku dhawaad ​​1.3 Bilyan oo shilinka Kenya ah lagu hagiyo dekedaha dalkaas, taasoo khatar ku ah nolosha kumannaan ka mid ah shaqaalaha qaybtan muhiimka ah.

Sida uu qoray wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya, 207 konteenar oo Caleenta shaaha ah oo u socday Suudaan ayaa lagu joojiyay Dekedda Mombasa, taasoo ka dhigan, in la hakiyay ku dhawaad ​​boqolkiiba 20% shixnadaha Kenya ee loo dhoofiya Suudaan, halka shixnada kalana ay caqabad kala kulmaan kastamka dekeddaha Suudaan.

Qaar ka mid ah shixnadaha ayaa weli ku xayiran badda, iyagoo sugaya sharciyo ay ku galaan dalka Suudaan, taasoo sii murjineysa xaaladda, isla markaana saameyn xun ku yeelanaysa isu socodka ganacsiga ee labada dal.

Suudaan ayaa ah suuqa saddexaad ee ugu weyn adduunka ee loo dhoofiya Caleenta shaaha ee Kenya, iyadoo soo dhoofsata ku dhawaad ​​ boqolkiiba 10% wadarta wax soo saarka Kenya sanad walba. Sidaa darteed, mamnuucidani waxay ka dhigan tahay dharbaaxo ba’an oo soo food saartay warshadaha Kenya, maadaama shirkadaha wax dhoofiya ay ku adag tahay inay soo ceshadaan qarashaadka ka maqan ama ay badeecadahoodu u wareejiyaan suuqyo kale.

Halkaan ka Degso Warbixinta Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.