Askar katirsan Boliska gaarka ah ee Dowladda Kenya ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 12 ruux, kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan xarunta madaxtooyada ee ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.
Waxaa dadkaan lagu eedeeyeen iney doonayeen khalkhal galin amni iyo iney xoog ku galaan xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka Kenya.
Kahor inta aan la xirin 12 ruux, waxaa goobta ka dhacay iska hor-imaad culus oo dhexmaray ciidamada Boliska ee Kenya iyo dadkaan lagu eedeeyay iney xoog ku gali rabeen xarunta madaxtooyada.