Sida ay daabaceen warbaahin laga leeyahay dalka Yemen, waxaa saacadihii lasoo dhaafay weerar afduubasho ah xeebaha Soomaaliya loogu geystay, doon laga leeyahay dalka Yemen, oo kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha Soomaaliya.
War kasoo baxay ciidamada Midowga Yurub ee duullaanka ku jooga Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in kooxo burcad badeed ah ay meel ku aadan xeebaha magaalada Eyl ee wuqooyi galbeed Soomaaliya ka afduubteen, doon laga leeyahay dalka Yemen oo ah ooca kalluumeysiga.
Warka kasoo baxay ciidamada Midowga Yurub ee kusugan xeebaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay, iney wadaan baaritaanno dheeri ah oo lagu ogaanayo afduubka loo geystay doonta iyo halka ay la aadeen kooxda afduubatay.
Waa afduubkii labaad oo muda toban maalmood gudahood xeebaha Soomaaliya loogu geysto, markab ama doon laga leeyahay dalka Yemen, kuwaasoo sifo sharci darro ah uga kalluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya. Sanadkii tagay ee 2024-ka waxaa xeebaha Soomaaliya laga diiwaangeliyay 7 dhacdo oo la xiriirta afduubka maraakiib Shisheeye.
Waayadii u dambeysay waxaa soo kordhayay weerarada ay xeebaha Soomaaliya ka geysanayaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo badankood ahaa kalluumeysato ay u awood sheegteen maraakiibta Shisheeyaha ee kusugan xeebaha Soomaaliya, waxaana ay dantu baday iney ishubeeyaan, maraakiibta Shisheeyahana afduubtaan, sidaba ay marar badan ku doodeen dhalinyaradan oo qaarkood warbaahinta la hadlay.