Dagaallo culus ayaa waxa ay maanta markale ka dhaceen qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Dagaallada ayaa waxa ay ka dhaceen duleedka deegaanka Ceel-Cali Axmed ee gobalka Sh-dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 18 askari ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Fedaraalka looga dilay dagaallada ka dhacay duleedka deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobalka Sh-dhexe, halka gacanta lagu dhigay askari nool.
Sidoo kale waxaa dagaallada lagu dhaawacay 36 askari, iyadoona ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo furteen 6 qori oo AK-47 ah iyo qori BKM.