Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 20 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weeraro ka...

Ku Dhawaad 20 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weeraro ka Dhacay Sh-dhexe.

Gobalka Sh-dhexe waxaa maanta markale ka dhacay dagaallo toos ah iyo qaraxyo khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Dagaallada oo dhowr jeer lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay ka dhaceen duleedka deegaanka Ceel-baraf ee gobalka Sh-dhexe.

Ugu yaraan 6 askari ayaa lagu dilay dagaalladaan ka dhacay duleedka deegaanka Ceelbaraf, halka lagu dhaawacay 4 kale.

Sidoo kale isla maanta waxaa weeraro qaraxyo ah ay ka dhaceen duleedka deegaanka Ceel-baraf, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka oo dhaqdhaqaaqyo ka waday duleedka deegaanka.

Mid kamid ah qaraxyada ayaa lagu gubay gaari C/Bile ah oo ay wateen askarta, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 8 askari.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.