Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, waa waddan ku yaalla Afrikada Saxaraha ka hooseeya, waxana ku loolamaya quwadaha waaweyn ee adduunka, kuwaas oo doonaya inay hoggaamiyaan waxa loo yaqaano “Kacaanka Warshadaha ee Afraad” maadaama ay Kongo kamid tahay wadamada Afrikaanka ah ee qaniga ku ah khayraadka dabiiciga ah.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo waxay soo saartaa boqolkiiba 71% wadarta guud ee macdanta cobalt ee adduunka, waxayna leedahay kala bar kaydka kobalt ee la yaqaano ee ku jira dhulka. Khubaro iyo mas’uuliyiin badan ayaa aaminsan in Kongo laga yaabo inay leedahay kaydka ugu badan ee Lithium-ka adduunka, iyadoo macdanta Manon ee waddanka oo keliya ay haysato 6,640,000 oo tan oo metric oo lithium ah, marka loo eego qiyaas la sameeyay bishii Sebtember.
Intaa waxaa dheer, in shirkadda lagu magacaabo “Wood Mackenzie” oo qaabilsan tamarta ay ku qiyaastay 2027-ka, in Kongo ay noqon doonta soo saaraha labaad ee ugu weyn ee naxaasta, taas oo aad muhiim uga ah samaynta baytariyada korontada iyo marawaxadaha dabaysha..
Waxaas oo dhami waxay noo sheegi karaan sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ay muhiim ugu tahay khariidadda dhaqaalaha adduunka, taas oo hurinaysa tartan adag oo u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha oo ku saabsan saamaynta siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee dalka. Tartanku uma eka in uu saamayn togan ku yeelanayo muwaadinka Kongo, maadaama ku dhawaad lixdii muwaadinba mid uu weli ku nool yahay faqri aad u daran, sida lagu sheegay xogtii ugu dambaysay ee kasoo baxday waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, qof kasta oo indha indheeyo arrimaha Kongo wuxuu ogaan karaa dadaallada badan ee uu Mareykan kaga golleeyahay in uu ku kordhiyo saameyntiisa dhaqaale ee dalkaas, iyadoo saameynta Shiinaha si degdeg ah ay usii xoogaysanaysay labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa laga yaabaa in hindisaha ugu muhiimsan ee Maraykanku uu yahay kii uu ku dhawaaqay bayaan wadajir ah oo uu la yeeshay Midowga Yurub Sebtembar 2023 si loo soo nooleeyo, loona horumariyo mashruuca Lobito Trans-African Corridor, oo ah wadda tareen oo la filayo inuu dhirarkeedu noqda 1,300 kiiloomitir, taas oo kasoo baxaysa dekedda Lobito ee xeebta Atlantic dhanka barina u jihaysanayso Angola illaa ay ka gaarto xadka ay Angola la wadaagto Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo , ugu dambayntiina waxay gaaraysaa meelaha ay ku jirta macdanta muhiimka ah.