Maalintii shalay maamulka Aala-Sucuud ayaa xukun dil ah ku fuliyay nin Soomaali ah oo kamid ahaa 45 maxaabiis Soomaali ah oo uu horay dil toogasho ah ugu xukumay.
Ninkaan la dilay iyo kuwa kale ee ku xuman dilka ee Soomaalida ah, ayuu maamulka Aala-Sucuud ku eedeeyay iney Sucuudiga soo galiyeen waxyaaabo Mukhaddiraad ah.
Xasan Xuseen Yuusuf oo ah adeerka ninka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa sheegay xilligii ugu wardambeysay wiilkooda, uuna lasoo xiriiray waxyar kahor inta aan la toogan.