Maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay jabka ku gaaray dagaallada ka socda gobalka Sh-dhexe, isagoona qiray in lagala wareegay deegaan muhiim ah.
Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay weeraro xooggan ka socdeen deegaanno katirsan gobalka Sh-dhexe, islamarkaana ay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxaa arrinkaasi qeylo dhaan xooggan kaa muujiyay maamulka la baxay Hirshabeelle.
Cabdi Qoorgaaab oo ah gudoomiyihii maamulkaaan ugu magacawnaa deegaaanka Biyo-Cade oo ay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qiray, in uu gacantooda ka baxay deegaankaas islamarkaana lagu soo kadiyay weerarka sida uu hadalka u dhigay,.
Waxa uu sidoo kale tilmaaamay in diyaaradaha Shisheeye ay duqeymo ka geysteen deegaanka, islamarkaana ay gubeen guryo ay leeyihiin dad rayid ah.
Halkaan ka Degso Warka Hirshabeelle