Maamulka la baxay Jubbaland ee maamulka magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay wasiirka amniga ee Dowladda Fedaraalka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Gudoomiyaha degmada Baardheere ugu magacaaban maamulka Jubbaland Aadan Muxumad Dhagacade ayaa waxa uu sheegay, in wasiir Fartaag uu magaalada ka waday isku dhaca ciidanka ayna dib ugu celiyeen diyaaraddii uu ku yimid.