Monday, March 17, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo Duqeyn ka Fuliyay Magaalo Dhacda Koonfurta Lubnaan.

Maamulka Yahuudda oo Duqeyn ka Fuliyay Magaalo Dhacda Koonfurta Lubnaan.

Subaxnimadii maanta diyaarad Drone ah oo laga leeyahay dhanka Yahuudda ayaa duqeyn ka fulisay magaalada Yaadhir ee dhacda Koonfurta Lubnaan.

Duqeyntan ayaa gudaha magaalada lagula beegsaday gaari dad saarnaayeen, waxayna Yahuuddu halkaasi ku dileen 1 ruux, halka ay dhaawaceen mid kale.

Weerarkan dhanka cirka ah ee ay ka dameysay Yahuudda ayaa kusoo aaddaya, xilli saacadihi lasoo dhaafay isla Koonfurta Lubnaan duqeyn ka dhacday Yahuudda la beegsadeen gaari ku sugnaa gudaha magaalada Burj Al-Muluuk, halkaasina waxay ku dileen hal qof qaar kalena waa ay dhaawaceen.

Maamulka Yahuudda ayaa markii uu duqeymo ka geysto Koonfurta Lubnaan wuxuu ku andacoodaa, inuu beegsaday xubno kamid ah ururka isku magacaabay Xisbullaah, sidaasi ayuuna shacab badan ku xasuuqay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.