Saacadihii lasoo dhaafay waxaa duqeyn diyaaradeed lagu burburiyay macbarada ama marinada muhiimka ah ee isku xira dalalka Suuriya iyo Lubnaan oo oo katirsan dhulka Shaam.
Ciidamada maamulka gumeystaha Yahuudda, ayaa sheegtay duqentan lagu burburiyay marinadan muhiimka ah, waxayna ku andacoodeen, in ururka isku magacaabay Xisbullaah ka hor istaagayeen, hub uu kasoo gudbiyo marinadan.
Illaa iyo hadda lama soo sheegin wax dad ah oo naftooda ku waayay ama ku dhaawacmay duqeyntan, balse waxaa ka dhashay burbur hantiyeed iyo waxyeello soo gaartay marinadan.
Wadamada Suuriya iyo Lubnaan ayaa waxaa udhaxeeya xadbeenaad dhirirsan masaafo dhan 330KM, waxayna goobaha Yahuuddu buburisay ahaayeen, marino muhiim u ah isku xirka labada dal.