Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsMacron oo Sheegay Suurtogalnimada Heshiis Xabad Joojin ah oo Looga Dhawaaqo Ukraine.

Macron oo Sheegay Suurtogalnimada Heshiis Xabad Joojin ah oo Looga Dhawaaqo Ukraine.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanual Macron oo waraysi siiyay telefeshinka Fox News ee dalka Maraykanka, ayaa tilmaamay suurtogalnimada in todobaadyada nasoo aadan xabad joojin looga dhawaaqo dalka Ukraine.

Wuxuu sheegay Macron iney aad suurogal u tahay in maalmaha iyo todobaadyada nasoo aadan xabad joojin laga gaaro dagaalka Ukraine, warkan ayuuna sheegay saacado kadib markii uu Aqalka cad kula kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Donald Trump.

Wadahadallada Macron iyo Trump ayaa intooda ugu badan waxaa xooga lagu saaray dagaalka ka socda dalka Ukraine, iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadda sii dabadheeraatay ee dalkaas ka socoto sanadihii lasoo dhaafay.

Macron ayaa tilimaamay in damaanaadka amni ee la siinayo xukuumadda Kyiv ay kamid tahay in ciidamo ka socda qaaradda Yurub la geeyo wadanka Ukraine, taasoo ay dowladda Ruushka u aragto mid halis gelineysa amnigeeda qaranka.

Donald Trump ayaa aad u cadaadinaya madaxweynaha dalka Ukraine Zalansky, wuxuuna doonayaa in lasoo afjaro dagaalka Ukraine, isagoo tilmaamay inuu yahay dagaal aan wax faa’iido ah laga helin, saameynna ku yeeshey ganacsiga dunida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.