Maalinta Jimcaha ee inagu soo foodleh ayaa la sheegay in hogaamiyaha wadanka Ukraine ee dagaalku kala dhaxeeyo Ruushka uu booqasho ku tegi doono wadanka Mareykanka, si ay xukuumadda Washington ukala saxiixdaan heshiiska la xiriira macaadinta qaaliga ah ee ujira dalka Ukraine.
Safarkan uu Volodymyr Zelenskyy ku tegidoono Mareykanka waxaa shaaciyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilli uu saxaafadda kula hadlayay gudaha Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka.
Wuxuu sido kale Trump dhaleeceeyay taageeriyadii dhanka Millateriga ee ay horay dowladdiisu ugu fidisay Ukraine si ay usii waddo dagaalka ka dhanka ah Ruushka, taasoo uu bixiyay Biden madaxweynihii hore ee Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa ku daashay dhaqaalihii ay ku bixinjirtay wadamada Aduunka si ay ugumeysato Caalamka oo idil, hase ahaatee waxaa muuqata iney arrintaasi soo idlaatay muddo xileedkan Donald Trump, maadaama xilligan Mareykanku tallaabada uu qaadayaba ku doonayo faa’iido isaga dhankiisa usoo laabata, dowlado bandanna uu ka jartay lacagihii uu siinjiray.