Mulatu Teshome oo ah madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya ayaa maqaal uu ku qoray mowqica Aljazeera wuxuu kaga hadlay, colaadda daba dheeraatay ee ka socota dalkiisa, isagoo ku eedeeyay wadanka ay deriska yihiin ee Ereteriya iney ka macaasheyso dagaalka ka socda Itoobiya, ayna hurineyso colaadaha sokeeye ee dhexmaraya dowladda dhexe iyo kooxaha hubeysan.
Wuxuu sheegay in dhinacyada isku haya dunida ay dareemayaan ahmiyadda Jiyoo Istiraatiijiyadeed ee mandiqadda Geeska Afrika, iyo kheyraadka dahan ee mandiqadda dhex ceegaaga, isagoo ku eedeeyey Ereteria iney tahay cidda ay ka degi la’dahay mandiqadda, mar welibana hurineysa colaadaha iyo mashaakilka.
Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome wuxuu la xiriiriyay Ereteria iney ku lug leedahay, colaadaha ka alloosan dalalka Sudan, Koonfurta Sudan, Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo yiri ” Dagaalka waa shaqada keliya ee ay taqaano dowladda Ereteria, waxay taageertaa kooxaha fallaagada ah iyo xitaa dowladaha dagaal doonka ah, dagaalka iyo kala qeybsanaanta ka jirta mandiqadda waxaa sabab u ah Ereteria” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya.
Mulatu Teshome wuxuu sheegay in dowladda Ereteria ay xilligan ka shaqeyneyso burburinta heshiiskii Pretoria ee dhexmaray kooxda TPLF iyo dowladda dhexe ee Itoobiya, madaxweyne Sias Afwerkina aanu horraanba ugu qanacsaneyn heshiiska dhexmaray labada dhinac, uuna doonayay in loolanka iyo dagaalladu ay sii socdaan.
Wuxuu tilmaamay in waqti xaadirkan dowladda Ereteria ay xiriir la leedahay kooxda Fano ee dagaalka adag kula jirta dowladda Itoobiya, ayna sidoo kale hurineyso kala qeybsanaanta soo kala dhexgashey kooxda TPLF oo siyaasiyiinteedu isku heystaan xukunka kooxda, sida uu sheegayo madaxweynihii hore ee Itoobiya, Afwerki ayaa xiriir dhow la leh garab kamid ah TPLF oo diidan heshiiskii Pretoria.
Isagoo sii wata qoraalkiisa madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome, wuxuu tilmaamay in xasraha ka alloosan mandiqadda Geeska Afrika uuna ku eedeeyey iney hurineyso Eretria, ay ka faa’ideysan doonaan jamaacaatka Jihaadiga ah ee sida firfircoon uga howlgala guud ahaan Afrika, si gaar ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo uu sheegay iney mustaqbalka halis gelin karto maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha badda Cas.
Hadalkan dambe ayaa u muuqda isku day uu madaxweynihii hore ee Itoobiya ku doonayo, in reer galbeedka ugu qanciyo iney lama huraan tahay in badda Cas Itoobiya qeyb laga siiyo, maadaama ay geeska Afrika ku matasho Nasaarada caalamka, waana damac weligiisa soo jireen ah oo ay xilligan Itoobiya iyo shacabkeeduba dareemayaan in la gaaray waqtigii ay xaqiiqo u bedeli lahaayeen.