Dowladda Philippine ayaa Talaadadii maanta ku dhawaaqday iney Booliskeedu gacanta ku dhigeen Rodrigo Duterte oo ah madaxweynihii hore ee wadankaasi.
Ninkan ayaa la qabtay xilli ay garoonka caalamiga ah ee Manila oo ku yaalla dalka Philippines kasoo degtay diyaarad uu la socday.
Wararku waxay tilmaamayaan in ninkan ay waraq soo qabasho ah horay ugu jirtay waxa lagu magacaabo maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku kacay dembiyo ka dhan ah wax ugu yeeraan xaquuqul Insaanka kadib markii uu dagaal la galay kooxo ka ganacsada maandooriyaah sida y hadalka udhigeen.
Haweeneyda madaxweynaha ka ah wadankaasi xilligan ayaa sheegtay in ninkan la qabtay uu ku jiro gacantooda.