Ciidamada maamulka ay dowladda Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa kordhiyay dilka, xariga iyo barakicinta ay ku hayaan dadka ku dhaqan dhulkaas.
Bulshada ku dhaqan toolooyin dhaca bariga gobalka Doollo oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya, ayaa waxa ay wajahayaan dhibaatooyin isugu jira dilal bareer ah, xarig iyo barakicin ay kala kulmayaan maleeshiyaadka Liyu Bolis.
Tuulo hoostagta degmada Gallaadi oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ayaa waxa ay maleeshiyaadkaani ku dileen 1 ruux oo kamid ahaan dadka tuulada.
Waxa ay sidoo kale Maleeshiyaadku xarig wadareed ka geysteen dhowr deegaan oo ku yaalla degmada, kuwaas oo ay ka raafeen dhalinyaro iyo odayaaasha deegaannadaas.
Inta badan dadkii ku dhaqnaa deegaannada ayaa barakacay, halka qaar kamid ah bulshadana ay hubkooda lasoo baxeen, iyagoona sheegay iney iska difaacayaan weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadka daacadda u ah Xabashida Itoobiya.