Dagaalka udhaxeeya Ciidamada Dowladda Suudaan iyo malleeshiyada RSF ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya , waxaana kooxda Ad-Dacmu As-Sariic maalimihii dambe ku socday guuldarrooyin isdaba jooga ah, iyadoo dib ugurasho sameyneysa.
Tan iyo intii shaashadaha warbaahinta laga waayay hogaamiyihii RSF Xamiiti, waxaa jab wayn la gaarsiiyay malleeshiyadan, iyadoo laga saaray xaafado kamid ah magaalada caasimadda ah ee Kharduum sido kalena laga wareegay magaalooyin kale oo katirsan dalkaasi.
Saacadihii lasoo dhaafay iska hor imaad dhexmaray askarta Suudaan iyo malleeshiyadan oo ka dhacay magaalada Kharduum Baxri ayaa RSF looga taagroonaday, waxaana laga qabsaday inta badan xaafadda Kaafuuri ee ah halka meel ee ay kaga sugan yihiin magaaladaasi.
Ciidamada xukuumadda Suudaan ayaa lagu arkayay gudaha xaafaddan iyagoo wata gaadiidka dagaalka, wuxuuna wariye katirsan warbaahinta Al-Jaziira oo halkaasi kasoo warramaya sheegayaa isagoo soo xiganaya ilo Millateri, in malleeshiyadii RSF ay xaafadda kaliya ka joogaan meelo yar yar oo dagaal ka socdo.
Xaafaddan ayaa kamid ahayd meelihii ugu horreeyay ee ay bilowgii dagaalka qabsadeen malleeshiyadan, waxayna ku sugaayeen tan iyo xilligaas.