Malleeshiyaadka Ad-Dacmu As-Sariic ee taageerada ka helaya dowladda Imaaraat-ka Carabta, ayaa weerar ay dhaawaan ka geysteen Bariga caasimadda Suudaan ee Al-Kharduum waxay ku dileen 8.
Dadka ay dileen kooxdan waxaa ku jiray labo dumar ah, waxayna malleeshiyadan dadka ku weerareen guryahooda.
Qoysadka degan xaafadaha ay RSF ka joogaan magaalada Al-Khurduum ayaa wajahaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah, kuwaasoo keenay iney dadka qaar naftooda waayaan maadaama ay go’doon geliyeen.
Waxyaabaha halkaasi laga soo sheegayo waxaa kamid ah in kooxdan ay dadka shacabka ah udiideen iney ka baxaan xaafadaha ay ka joogaan magaalada, halkaasi ayaana la sheegay in dadka ay ku haystaan cunto la’aan dawo la’aan iyo korontadi oo halkaasi ka maqan, arrimahan oo isbiirsaday ayaana sababy iney caruurta qaar baahi iyo caafimaad la’aan udhintaan.