Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsMalleeshiyaad Katirsan Kooxda RSF oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Suudaan.

Malleeshiyaad Katirsan Kooxda RSF oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Suudaan.

Wariye katirsan warbaahinta Al-Jaziira oo kasoo warrama wadanka Suudaan, ayaa sheegay in 10 kamid ah malleeshiyada Ad-Dacmu As-Sariic lagu dilay iska hor imaadyo ka dhacay, duleedka Al-Xaaji Yuusuf oo ku taalla, Bariga Mandiqadda An-Niil ee dalkaasi.

Wuxuu dhanka kale tilmaamay in ciidamada Suudaan ay duqeymo isugu jira kuwa laga tuuray Drones iyo madaafiicda goobta la beegsadeen, fariisimayaal ay RSF ku leedahay caasimadda Al-Khurduum iyo magaalo madaxda Baaraa ee gobolka Kardifaan.

Dhinaca kale ciidanka Suudaan ayaa sheegay inuu dhaqdhaqaaqyo kasameeyay Bariga mandiqadda An-Niil ee dhaca Bariga caasimadda wadankaasi.

Isku soo wada duuboo RSF iyadoo haatan goobo badan laga saaray islamarkaana magaalooyin kala duwan lagala wareegay, hadane waxay tilmaameen iney dagaal dabo dheeraada la gelidoonaan askarta Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.