Wednesday, March 12, 2025
HomeAll NewsMalleeshiyaadka RSF oo Duqeymo Xiriir ah ka Geysanaya Magaalada Al-Abyadh ee Dalka...

Malleeshiyaadka RSF oo Duqeymo Xiriir ah ka Geysanaya Magaalada Al-Abyadh ee Dalka Suudaan.

Kooxda RSF ayaa si xiriir ah maalimihii lasoo dhaafay waxay madaafiic ugu duqeyneysay magaalada Al-Abyadh ee katirsan gobolka Kurdufaan oo kamid ah wadanka Suudaan.

Shalay galab oo ugu dambeysay waxay kooxdan duqeyn madaafiic ah la beegsatay xaafado ay dad shacab ah degna yihiin oo kamid ah magaaladaaasi, waxaana ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dadka.

Illa 5 madfac ayaa la sheegay in ay RSF kusoo tuureen magaaladan, waxayna duqeymaha kooxdan maalmihii Lasoo dhaafay magaaladaasi ka ahaayeen kuwo xiriir ah, dad ayeyna noloshooda horay ugallaafteen halka qaar kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Malleeshiyadan ayaa kusoo ayaa lagu yaqaan beegsiga rayadka, ma ahan markii ugu horreysay oo ay magaalo kamid ah Suudaan la dhacaan duqeyn aan loo meel dayin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.