Tuesday, March 4, 2025
HomeUncategorizedMalleeshiyada Xuuthiyiinta oo Tiro Mashaa’ikh ah ka Afduubtay Gobolka Xajjah ee dalka...

Malleeshiyada Xuuthiyiinta oo Tiro Mashaa’ikh ah ka Afduubtay Gobolka Xajjah ee dalka Yaman.

Kooxda Xuuthiyiinta oo caadeystay iney dhibaateeyaan cid waliba oo kasoo horjeesta siyaasadooda gurracan, ayaa 3 Sheekh oo kasoo jeeda qabiilka Aala-Shumi ka afduubtay gobolka Xajjah ee dhaca meel Waqooyi Galbeed kaga beegan caasimadda wadanka Yaman ee Sancaa,.

Sedaxdan Sheekh ee ay afduubteen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabbaas Ash-Shumi, Faaris Ash-Shumi iyo Cali Ash-Shumi, waxaana lagu xiray xabsi ay leeyihiin malleeshiyadan.

Waxay wararku tilamaamayaan in mashaa’ikhdan ay ka hor yimaadeen awaamir uu siiyay mid kamid ah saraakiisha amniga ee Xuuthiyiinta, taasina ay keentay in la afduubto kadibna xoriyadooda laga qaado.

Falka lagu afduubtay mashaa’ikhdan ayaa qeyb ka ah, howgallo lagu qab qabanayo dadka noocaan ah oo diidan Malleeshiyadan Xuuthiyiinta iyo sida ay wax uwaddo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.