Friday, March 14, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Dad Shacab ah ku Dilay Duqeyn uu ka Geystay Sh-hoose.

Mareykanka oo Dad Shacab ah ku Dilay Duqeyn uu ka Geystay Sh-hoose.[DHAAGEYSO]

Habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay waxaa mar qura duqeymo laga maqlay beeraha degaanka Jambaluul oo hoos taga degmada Afgooye halkaasoo ay diyaaradaha Mareykanku ku beegsadeen dad rayid ah oo ka shaqeysanayay beerahooda.

Dadka degaanku waxay inoo sheegeen inay maqleen ugu yaraan dhawaqa afar gantaal oo si xiriir ah u dhacay waxaana ku naf waayay 3 qof oo kamid ah shacabka beeraleyda ah, halka ay ku dhaawacmeen sadax kale sida ay noo xaqiijiyeen eheladooda.

Sadaxda qof ee duqeymaha lagu dilay waxaa la kala yiraahdaa, Warsame Aadan Deerow, Abuukar Cusmaan Goodow iyo Xaawo Shariif Xuseen. Dowladda Federaalka ayaa ku faantay duqeyntan waxayna sheegtay in lagu dilay saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kana dambeeyeen waxay ugu yeertay saaxiib caalami ah oo ay ula jeedo Mareykanka.

Duqeymaha ugu badan ee rayidka lagu beegsado waxaa Soomaaliya ka geystay Turkiga iyo Mareykanka waxaana soo raaca Kenya iyo Itoobiya. Sannadkii lasoo dhaafay 2024 Bishan oo kale ee March 18 keedii, diyaaradaha Turkiga ayaa duqeyn ay ka geysteen tuulada Baqdaad oo hoos tagta Afgooye ku dilay tobannaan qof oo beeraley ah si loo niyad jabiyo wax soo saarka, Turkiguna uu suuq ugu helo khudaartiisa aadka u tayada liidata.

Ehelada dadkii lagu laayay duqeyntaas ma jirto cid illaa hadda kala xaajootay dhibaatadaas, lamana tix gelin dareenkooda. Reer Afgooye ayaa dhibaatooyin gaar ah kala kulmaya shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka, dhawaan waxaa magaalada lagu dilay labo dhallinyaro ah oo kamid ahaa dad ka dibad baxayay canshuur boqol doolar ah oo ay Dolwadda Fedaraalka kusoo rogtay guri walba.

Halkaan ka Degso Warka Duqeynta

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.