Galabnimadii shalay dowladda Mareykanka ayaa duqeymo dhaka cirka ah ka geysatay magaalada Sancaa’ ee caasimadda dalka Yaman.
Duqeymahan ayaa ku dhacay xaafado la degan oo ku yaalla Sancaa’, waxayna halkaasi ku dileen illaa 31 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 101 kale oo la sheegay iney ubadan yihiin haween iyo caruur.
Sido kale waxaa ku burburay dhismayaal ay dadka la beegsaday deganaayeen, halka meelaha qaarna ay korontadu ka go’day.
Xasuuqa ka dhacay wadanka Yaman ayaa kusoo aadayya, xilli Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka uu horay ugu goodiyay inuu duqeyn doono dalka Yaman.