Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Joojiyay Maalgaleintii Dhanka Hubka ee uu Siin Jiray Ukraine.

Mareykanka oo Joojiyay Maalgaleintii Dhanka Hubka ee uu Siin Jiray Ukraine.

Wargeyska the Wall Street Journal oo soo xignaya labo mas’uul oo Ameerikaan ah, ayaa sheegay in maamulka Trump uu joojiyay, maalgelita dhanka hubka ee uu siinjiray xukuumadda Kyiv, majiro hub cusub oo lasiin doono Ukraine kadib go’aankan.

Arrinkan ayaa la sheegay inuu yimid, kadib hadalladii kul kululaa ee ay Trump iyo Volodymyr Zelenskyy isku dhaafsadeen gudaha Aqalka Cad.

Go’aankan uu qaatay maamulka Trump, wuxuu saameyn ku yeelankaraa awoodda Ukraine, xilli dagaalka kala dhaxeeya Ruushka uu marayo meel xasaasi ah, sida ay wargeyska usheegeen mas’uuliyiin dowladda Mareykanka katirsan.

Sido kale mas’uuliyiin katirsan wax loogu yeero Baaralamka mareykanka, ayaa sheegay in maanta Aqalka Cad uu kulan ka yeelanayo shixnada loo diro Ukraine.

Isku soo wada duuboo Mareykanka ayaa aaminsan inuu Ukraine la garab taagnaa tan iyo bilowgii dagaalka in ka badan inta ay ku taageeraan dowladaha Yurub, waa sida uu ka dhawaajiyay Donald Trump’e.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.