Friday, March 7, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo ka Digay Weeraro ay Al-Shabaab ka Fuliyaan Magaalada Muqdisho.

Mareykanka oo ka Digay Weeraro ay Al-Shabaab ka Fuliyaan Magaalada Muqdisho.[DHAGEYSO]

War qoraal ah oo lagu daabacay webka safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga digay, suurtogalnimada weeraro ka dhaca gudaha caasimadda, kaasoo beegsada xarumo muhiim ah Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka.

Safaaradda Maraykanka ayaa uga digtay dadka Ameerikaanka ah ee ku sugan Muqdisho iney la yimaadaan feejignaan dheeri ah, ayna suurogal tahay in waayada nasoo aadan magaalada Muqdisho ay marti geliso weeraro waaweyn, kuwaasoo ka dhaca xarumaha iyo baraha ciidan ee muhiimka u ah Dowladda Federaalka iyo Shisheeyaha ku sugan dalka.

Weerarada laga cabsi qabo iney ka dhacaan Muqdisho ayay sheegeen iney kamid yihiin, camaliyaad Nafhurnimo ah, weeraro xoog kugal ah iyo duqeymo xaga cirka ah, iyadoo goobaha bartilmaameedka ahna kamid yihiin garoonka diyaaradaha, dekadaha, xarumaha Dowladda Federaalka iyo hotellada.

Waxay sidoo kale intaa ku dartay digniinta kasoo baxday safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho, iney suurogal tahay iney dhacaan weeraro afduubasho ah oo loo geysto dadka Shisheeyaha, iyadoona ka codsatay dadka Ameerikaanka ah ee jooga Soomaaliya, iney xaalad feejignaan ah galaan, aadna ula socdaan update-ka la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen magaalooyin kamid ah dalka, sidoo kale dhawaan duqeymo ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, xilli uu kasoo degayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Halkaan ka Degso Warka Digniinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.