Tuesday, March 11, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Qorsheynaya in Viisaha Dalkiisa uu ka Mamnuuco Dalal ay ku...

Mareykanka oo Qorsheynaya in Viisaha Dalkiisa uu ka Mamnuuco Dalal ay ku Jirto Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu soo saaro wareegto amreysa, in la diido in dadka kasoo jeeda wadamo dhaca caalamka Islaamka ay helaan fiisaha dal ku galka Maraykanka, tallaabadan oo qeyb ka ah isku dayada uu Trump ku doonayo inuu ku sugo amniga Maraykanka, dhanka kalena ku cadaadiyo muslimiinta.

Masuuliyiin katirsan waaxda fiisaha ee wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay iney suurogal tahay in go’aanka kama dambeysta ee la xiriira wadamada aaney dadka kasoo jeeda heli doonin fiisaha Maraykanka uu soo bixi doono todobaadka soo socda, waxaana la helayaa dalal ay suurogal tahay iney kamid yihiin.

Dalka Afqaanistaan ee Maraykanka lagu jebiyay, dowlad Islaami ahna laga dhisay ayaa kaalinta koowaad kaga jira wadamada aaney dadka ku nool heli doonin dal ku galka Maraykanka, waxaana xubno katirsan wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka oo CNN la hadlay xaqiijiyeen arinkaas.

Sidoo kale waxaa kamid ah dalalka la filayo in Donald Trump uu saaro dalalka mamnuuca ka ah in dadka kasoo jeeda helaan dal kugalka Maraykanka, wadanka Soomaaliya oo uu Maraykanku ku joogo duullaan milliteri oo uu kaga soo horjeedo in dalka lagu soo rogo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Pakistaan iyo Iiraan ayaa iyaguna la sahdaalinayaa iney kamid yihiin dalalka ku biiraya liiska wadamada aan heli doonin fiisaha dal ku galka Maraykanka, waxaana mudo xileedkii hore ee Trump uu sidan oo kale u go’aamiyay in wadamadan dadka kasoo jeeda aaney heli doonin fiisaha Maraykanka.

Halkaan ka Degso Warka Mareykanka

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.