Monday, March 10, 2025
HomeAll NewsMasuul Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Balcad.

Masuul Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Balcad.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar kamiin ah la beegsadeen, masuul katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa deegaan dhaca duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe.

Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay, deegaanka Hareeri-Caadle ee dhacda duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa lagu dilay, gudoomiyihii deegaankaas ugu magacawnaa Dowladda Fedaraalka oo magaciisa lagu soo koobay Afcadde, halka lagu dhaawacay 3 kamid ah istaafkiisa.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo mudooyinkaan dambe gobalka Sh-dhexe ay ka socdaan weeraro culus, kuwaas oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen deegaanno badan oo gobalka kamid ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.