Dadka reer Murutaaniya ayaa si farxad leh u soo dhoweeyay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna aad u jecel yihiin in ay saacado badan ku sugnaadaan masaajidda, halkaas oo lagu qabto duruus, muxaadarooyin iyo fadhiyo aqooneed, kuwaas oo ay kormeerayaan culumada waaweyn ee dalkaasi.
Muslimiinta Murutaaniya ayaa caan ku ah xifdinta Qur’aanka kariimka ah, iyadoo dugsiyada lagu xifdiyo Qur’aanka kariimka ah ay ku baahsan yihiin dalka oo dhan, taas oo ka dhigtay dad aad u tiro badan oo ku nool waddankan Carbeed inay xifdisan yihiin Qur’aanka Kariimka.
Dadka reer Murutaaniya ayaa u dareera masaajida ka hor salaada duhur, halkaas oo ay ka bilaawdaan muxaadarooyinka iyo dawrooyin, kuwaas oo socda illaa salaada Casar, kadibna dib ayay bilaawdaan muxaadarooyinkaasi iyagoo socda illaa saacad kahor wakhtiga afurka.
Duruusta iyo muxaadarooyinka ka socda Masjidka weyn ee magaalada caasimadda ah ee Nouakchott ayaa loogu magac daray “Rawdat al-Siyaam” dadka ayaana sii aad ah u qaabila, iyadoo dhammaan kanaalada iyo idaacadaha gaarka loo leeyahay ay si aad ah u xiiseeyaan in ay maalin walba tabiyaan warbixinnada ku saabsan nuxurka muxaadarooyinkani.
Dadka reer Murutaaniya ayaa aad ugu dadaala, in ay habaynnada bisha Ramadaan ka qeybgalaan salaadda taraawiixda oo dhan, waxaana inta badan masaajidda dalka laga tukadaa sideeda rakcadood, iyadoo qur’aanka kariimkana la khatimo habeenka toddoba iyo labaatanaad ee bisha, halka imaamyada masaajidda qaarkood ay aad ugu dadaalaan in bisha labo jeer ay khatimaan Qur’aanka.