Thursday, March 6, 2025
HomeAll NewsMaxaa Sababay Hoos u Dhaca Ballaaran ee ku Yimid Dhaqaalaha Yahuudda?

Maxaa Sababay Hoos u Dhaca Ballaaran ee ku Yimid Dhaqaalaha Yahuudda?[WARBIXIN]

Isweydaarsiga saamiga suuqyada Yahuudda ayaa lagasoo sheegayaa inuu ku yimid hoos u dhac weyn oo gaaray inta badan waaxyaha dhaqaalaha, iyadoo Tilmaanta Tel Aviv 35 ay hoos u dhacday boqolkiiba 1.7%, iyadoo ay jirto mowjad wax kala iibsi oo baahsan, taas oo saameysay dhammaan qaybaha kala duwan ee maaliyada Yahuudda, sida uu daabacay wargeyska Israel Calcalist.

Hoos u dhacan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo saameynta ka dhalan doonta siyaasadaha cusub ee dhaqaalaha Mareykanka, oo ay ka mid tahay in canshuuro badan lagu soo rogo badeecadaha laga keeno Meksiko, Kanada iyo Shiinaha, taasoo keentay isbedbedel ku yimid suuqyada caalamka iyo kororka cadaadiska dhaqaale ee Yahuudda.

Hoos u dhacan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo guud ahaan uu sii xumaanayo jawiga dhaqaalaha caalamka, halka siyaasada ganacsiga ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay sare u qaadayso cabsida laga qabo hoos u dhac dhaqaale oo caalami ah.

Suuqyada Yahuudda kama aysan badbaadin saamaynta ay reebeen cunaqabtaynada uu Maraykanku kusoo rogay dalalkii aan soo sheegnay, maadaama saameyntu ay si toos ah uga muuqato shirkadaha waaweyn, bangiyada, tamarta iyo qaybaha tignoolajiyada, taas oo keentay hoos u dhaca kalsoonida maalgashadayaasha iyo kor u kaca mowjadaha sarrifka saamiyada.

Saamiga Suuqyada Yahuudda ayaa si adag looga dareemayaa samanta dhaaqaale, iyadoo hoos u dhac weyn uu ku yimid tamarta, tignoolajiyada, hantida maguurtada ah, iyo qaybaha wax soo saarka Yahuudda.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.