Ciidamada Taageerada degdega ah ayaa lumiyay gabi ahaanba gacan ku haynta goobihii ay ku sugnaayeen ee bartamaha Suudan, kaddib markii ay ciidamada dawladdu isku fidiyeen bartamaha caasimadda Khartoum, illaa duleedka magaalada Damazin oo 600 km koonfur kaga beegan caasimada, halka dhanka koonfur-barina ay ciidamadu gaareen illaa duleedka magaalada Abu Rakhma ee xuduudka Gobolka Gadarif ee bariga Suudan.
Ciidamada ka amar qaata Al-Burhaan ayaa u sii gudbay dhanka bari illaa deegaanka Al-faw ee gobolka Gadarif, kaddib markii ay horay usoo qabsadeen bartamaha iyo konfurta dalkaas, waxaanay la wareegeen magaalooyin badan oo ay horay gacanta ugu hayeen xooggaga RSF.
Koonfurta dalka Suudan ayaa ka dhigan goob istiraatiiji ah oo marti galisay dagaallo ba’an oo u dhexeeya ciidammada Suudan iyo xooggaga Taageerada degdegga ah, dagaaladaas ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa oo ka dhaca dalka tan iyo markii uu bilowday dagaalka labada dhinac, wuxuuna si gaara uga dhacay magaalada Jebel Moya ee Gobolka Sennar.
Halkaan ka Degso Warbixinta Suudaan