Erayga “Bariga Dhexe” waxaa alifay 1902-dii Americanka lagu magacaabo Alfred Thayer Mahan. Magac bixintaa ka hor Ameerikaanka iyo reer Yurub waxay ugu yeeri jireen gobolka erayga”Bariga”, kaas oo ahaa erey lagu tilmaami jiray aagga dhulka ee ku dherarsan laga soo bilaaba Morocco illaa Masar, kadibna u leexanaya Jasiiradda Carabta ee dhinaca Shaam ka hor inta uusan ugu dambeyntii gaarin Turkiga.
Laakiin qaybtani kuma salaysnayn juquraafiga makaanka; tusaale ahaan Casablanca, waxay ku taallaa galbeedka magaalada Madrid, Marseille iyo Rome, markaa waxaan dhihi karnaa ereyga “Bari” wuxuu ku tilmaamnaa gobol wadaaga ilbaxnimo kala duwan, hababka xukunka, qaababka bulshada, qaababka dhismaha iyo dharka.
Dadka deggan gobolkaas reer galbeedku waxay u yaqaaneen magacyo dhowr ah sida: Carabta, ahlu Shaam, Aljeeriyiin, Amazigh-yiin ama Atraak. Waxa la rumaysanaa in ay reer-galbeedka ka soo horjeedaan, oo ay ku hadlayeen luuqad dhegaha Ameerikaanka la yaab ku noqotay.