Haweeneyda madaxweynaha ka ah wadanka Mexico ayaa maalintii shalay shir jaraa’id oo ay qabatay uga hadashay, canshuurta 25% ee uu Mareykanku kusoo rogay badeecadahooda waxayna sheegtay inaan wax marmarsiiyo ah loo heleyn islamarkaana ay jawaab ka bixin doonto.
Waxay intaasi ku daray inaan la heleyn sabab caqli ama mararsiiyo ah oo lagu taageero go’aankan, kaasoo ay sheegtay inuu saameyn ku yeelanayo shacabkooda, wax faa’iido ahna aysan ku jirin.
Ra’iisuwasaaraha Canada oo dhankiis ay ka muuqato inuu kaa carooday arrintan, ayaa sheegay iney dhankooda badeecadaha Mareykanka kusoo rogidoonaan canshuur dhan 25%, taasoo udhiganta 30 Bilyan oo Dollar Canado ah, dhanka Dollar-ka Mareykankana gaareysa 21 Bilyan oo Dollar.
Wuxuu intaasi kusii daray ineysan go’aan sidan uga tegeynin illaa ay falcelin kasameeyaan mooyee.
Go’aanada ay qaateen dowladahan ayaa yihmid saacado uu kadib markii uu Donlad Trump kusoo rogay xukuumadahan canshuurta inta la eg.
Mexico ayaa ah dowladda ganacsiga ugu badan uu dhexmaro iyada iyo Wadanka Mareykanka, waxayna heystaa 16% marka loo eego ganacsiga uu Mareykanku la sameeyo Aduunka kale, waxaa kusoo xigta Canada oo iyaduna ah 14%, halka tan sexaad ay tahay dowladda Shiinahao o iyaduna ah 11%.