Magaalada Hargeyrsa ee xarunta maamulka la baxay Soomaaliland waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday 2 nin oo Itoobiyaan ah.
Ragaan oo 5 ka koobnaa islamarkaana ka shaqeynayay goob bullaacad ah oo ku taalla xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay la duntay 2 kamid ah raggaas.
Muddo 16 saac oo baadi goob ah kadib, waxaa bullaacadda ku taalla magaalada Hargeysa laga soo saaray meydadka 2-da ruux oo Itoobiyaanka ah.
Qaar kamid ah ehellada labada ruux ayaa ka warbixiyay sida ay ragaan ugu dhaceen goobtaas.