Maalintii shalay oo Talaado ahayd waxaa dalka Maghrib gaar ahaan meel qashin qub ah oo ku taalla mandiqadda Siidii Dhibii ee katirsan gobolka Al-Quneydhirah ee dalkaasi.
Gabadhan meydkeeda la helay ayaa da’ ahaan 5 jir ah, waxaana lagu magacaabijiray Jiidaa’, meydkeeda ayaana lagu soo tuuray goobtan qashin qubka ah kadib saacado la la’aa meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
Wararku waxay sheegayaan in gabdhan yar ay dad ugu war dambeysay galabnimadii Isniinta xilli ay ubaxday gudashada salaadda Taraawiixda, kadib markii la waayayna waxaa sawirkeeda lagu baahiyay Baraha Bulshada si loo helo, hase ahaatee, subaxnimadii shalay oo Talaado ahayd ayaa iyadoo meyd ah lagu arkay goob qashin qub ah.
Dadka ku nool xaafadda ay gabadhan deganeyd ayaa aad uga carooday arrintan, iyadoo dhanka kale dhalisay cabsi iyo walwal, maadaama ay amni darro dareemayaan bulshada xaafaddu.