Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsMidowga Afrika oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Colaadeed ee Kasoo Cusboonaatay Gobolka...

Midowga Afrika oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Colaadeed ee Kasoo Cusboonaatay Gobolka Tigree.

War kasoo baxay ururka Midowga Afrika maalintii shalay oo Jimco ahayd, ayaa lagu sheegay in ururku uu aad uga walaacsanyahay xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaatay dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigreega, taasoo u dhexeysa hogaamiyaasha kooxda TPLF.

Midowga Afrika ayaa sheegay iney si dhow ula socdaan khilaafaadka soo kala dhexgalay kooxda TPLF ee Tigreega, ayna aad uga walaacsanyihiin in khilaafkaas uu horseedo burburka heshiiskii nabadeed ee Pretoria, kaasoo ay galeen dowladda Itoobiya iyo Tigreega, sababna u ahaa in lasoo afjaro colaaddii dhiiga badatan ku daatay ee ka dhacday gobolkaas.

Warka kasoo baxay Midowga Afrika waxaa baaq loogu diray hogaamiyaasha kooxda TPLF, iyadoo loogu baaqay iney wadahadal iyo is-afgarad ku dhameeyaan khilaafka soo kala dhexgalay, lagana taxadaro in xaaladdu kasii darto.

Bayaanka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay, in haddii xaaladdu kasii darto, dhinacyaduna aysan ogolaan iney wadahadal ku dhameeyaan khilaafka, ay horseedi doonto xaalado banii aadamnimo oo markale ka dillaaca gobolka Tigreega, halkaas oo sanado kahor uu ka dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu dhiig daashada badnaa ee waqtiyo dhow ka dhaca dalka Itoobiya.

Dhawaan ayaa waxaa uu khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha ismaamulka Tigreega iyo hogaamiyaha kooxda TPLF, waxaana madaxweynaha ismaamulku sheegay in gobolka ay ku suganyihiin ciidamo ka socda Ereteria, islamarkaana la doonayo in la afgembiyo maamulka.

War Maxamed Sheekh iyo Dalka itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.