Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsMuslimiinta Suuriya oo Ka Horyimid War Kasoo baxay Bin Yamin Netanyahu.

Muslimiinta Suuriya oo Ka Horyimid War Kasoo baxay Bin Yamin Netanyahu.

Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Natanyahu ayaa sheegay, inaaney ogolaan doonin in ciidamo hubeysan ay sii joogaan koonfurta dalka Suuriya, kuwaasoo katirsan maamulka cusub ee wadankaasi taladiisa la wareegay.

Netanyahu oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay, iney qasab tahay in dhamaan hubka yaala koonfurta dalka Suuriya laga qaado deegaannadaas, isagoo sheegay in taasi ay u arkaan halis amni oo heysta kayaanka dhiciska ah ee uu isagu hogaamiyo xilligan.

Wuxuu ra’iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Netanyahu intaa ku daray, in Yahuudda ay taageeri doonaan kooxda Durziyada ee dega qeybo kamid ah koonfurta Suuriya, isagoo sheegay in ilaalinta amniga kooxdaas ay tahay waajib Yahuudda saaran.

Durba markii uu hadalkan jeediyay ra’iisul wasaaraha Yahuudda waxaa qeybo kamid ah dalka Suuriya ka dhacay, dibadbaxyo ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen dadka Muslimiinta ah ee halkaas kunool, iyagoo halaag ugu goodiyay Yahuudda.

Kumanaan kamid ah shacabka Suuriya ayaa la arkayay iyagoo ku dhawaaqayo halkudhigyo ka dhan ah Yahuudda, oo ay kamid tahay Kheybar Kheybar Yaa Yahuud, waxayna sheegeen ineysan Yahuudda ka ogolaan doonin damaca ay leeyihiin.

Maamulka Yahuudda ayaa u arka isbedelka ka dhacay dalka Suuriya mid halis weyn ku ah amniga Yahuudda, waxaana tan iyo markii uu dhacay nidaamka Nuseyriyada ay ciidamo aad u farabadan soo dhoobeen koonfurta Suuriya xad beenaatka ku aadan, iyagoo xitaa la wareegay deegaanno kamid ah juqraafi ahaan dalka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.