Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in Jabadda Oromada ee OLA ay weerar ku dishay masuul katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya iyo tiro askar ah.
Weerarka oo ka dhacay magaalada Suleyta ee woqooyiga Shawa ayaa lagu toogtay, taliyihii Boliska ee degmadaasi, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay madixii xafiiska xisbiga Barwaaqo ee magaaladaas.
Waxa ay sidoo kale Jabahadda ay howgalkaasi ku dilay 4 askari oo katirsan maaamulka dowladda Xabashida Itoobiya ugu magacaaban magaaladaas.
Qaar kamid ah ciidanka Jabahadda Oromada ayaa weerarka kahor waxaa la sheegay iney soo waceen taliyaha, kuna wargaliyeen iney isa soo dhiibayaan, balse taliyaha oo istaaf koobaan ka xeystay ayaa markii uu ciidanka udhawaacay ay rasaas huwiyeen, taas oo sababtay khasaarahaan dhimashada iyo dhaawacaba leh.