Professor Yaxye Sheekh Caamir, oo kamid ah siyaasiyiinta kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa ka hadlay saameynta dhaqaale ee ay Dowladda Federaalka ku yeelaneyso, digniinaha amni ee kasoo baxa safaaradaha reer galbeedka ee degan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in dhaqaalaha soo galaya Dowladda Federaalka uu hoos u dhacayo, maadaama ay baaqanayaan diyaarado imaan jiray, wufuud Shisheeye oo heshiisyo la geli lahaa Dowladda Federaalka iyo arimo kale.
Wuxuu tilmaamay ineysan safaaradaha Shisheeye ee dalka jooga soona saara digniinaha amni, aaney Dowladda Federaalka siineynin dhaqaalaha kga baaqday digniinta ay soo saaran haddii aaney dhicin weerarada ay ka digeen.