Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hogaanka ciidankiisa amray, iney gacanta xukuumadd Moskow dib ugu soo celiyaan gobolka Kursk oo katirsan wadanka Ruushka islamarkaana ay qeybo kamid ah gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Ukraine.
Sabahaa keenaya inuu amarkan bixiyo Putin ayaa waxaa kamid ah in xukuumadda Kyiv ay billowday iney Ruushka kula gorgortanto dhulka ay ka haysato oo ay dagaalka uga qabsatay marka lasoo hadal qaado wadahadal iyo xabad joojin dhexmarta labada dhinac.
Ariintan ayuu hogaamiyaha Shuuciga ah ee Ruushka oo horaanba isagu Ukraine dagaalka ku billaabay aad udhibsaday, wuxuuna doonayaa inuu soo afjaro, si gorgortankaasi meesha uga baxo.
Dowladda Ruushka ayaa dagaal daba dheeraaday oo danihiisu ahaayeen dhul ballaarsi oo ay gashay kadib waxay maanta Mareysaa in iyadii lagula gorgortamo dhulkii ay ka talineysay, istaraatiijiyadda Ukraine ay markii dambe qaadatay ee ah iney Ruushka isna gudaha ugashay wadankii uu maamulayay ayaan ah mid hadal hayn ka abuurtay Dunida.