Weerar qarax ah oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.
Qaraxa ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday askar katirsan Xabashida Itoobiya oo ku lugeynayay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 10 askari.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ciidanka Itoobiya ee duullaanka ku jooga magaalada Beydhabo looga dilay 5 askari, halka looga dhaawacay 4 askari.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay, qaraxyo lagu naafeeyay ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka.