Thursday, March 6, 2025
HomeAll NewsQarax Khasaare Dhaliyay iyo Weeraro ka Dhacay Sh-hoose & Bakool.

Qarax Khasaare Dhaliyay iyo Weeraro ka Dhacay Sh-hoose & Bakool.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta ayaa howlgallo isugu jira qarax iyo weeraro toos ah waxa ay ku qaadeen, askar katirsan Xabashida Itoobiya, kuwa Dowladda Fedaraalka iyo qaar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed.

Haddaan ku horreyno gobalka Sh-hoose, waxaa weerar qarax ah oo khasaare dhaliyay ayaa lala beegsaday, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa mid kamid ah degmooyinka gobalkaas.

Weerarka qaraxa ah ayaa si gaar ah kaga dhacay, saldhig ay askarta Dowladda Fedaraalka gaar ahaan kuwa Boliska ku leeyihiin degmada Jannaale ee Sh-hoose, waxaana qaraxaasi lagu dilay 1 askari oo lagu magacaabi jiray Ciilow Maaxiyow.

Geesta kale waxaa xalay weeraro lagu miray, xeryaha askarta Xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin degmadooyinka Waajid iyo Xudur oo kawada tirsan gobalka Bakool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.